Asalaamu Caleykum wa Raxmatullahi wa Barakaatuhu.
Walaalaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim.
Fadliga bisha Ramadaan, oo aan ku jirno 10 – kii maalmood ee ugu dambeeyay, waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu na siiyo dembi dhaaf, kheyrka iyo barakada bisha Ramadaan, iyo in uu waddankeena ka dhaliyo amni buuxa, xasillooni iyo barwaaqo.
Waxaan salaan gaar ah iyo bogaadinba u dirayaa ciidammada qalabka sida iyo guud ahaanba hay’adaha amniga qaranka iyo shacabka Soomaliyeed, ee heeganka u ah, iyaga oo sooman in ay sugaan...