Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyooday kadib markii Ciidamada Ethiopia ay dad shacab Soomaaliyeed ahaa rasaas ku fureen kuwaas oo ku sugnaa soohdinta u dhexeysa Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Deegaanka Buulo-Beeleey oo labadaasi Gobol ee Shabeelaaha Dhexe iyo Hiiraan kala qeybiya islamarkaana 30 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Ciidamo Ethiopian ah oo deegaankaasi isticmaalayay waxa rasaas huwiyeen shacab xoolo dhaqato ku sugnaa deegaankaasi.
Ethiopian-ka ayaa la sheegay in ay rasaasta huwiyeen dadkaasi rayidka ahaa kadib markii ay ka shakiyeen.
Falkaas kadib ayaa Ciidamada Ethiopian-ka iska sii wateen Safarkooda , mana jirto wax war ah oo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ka soo saareen dhibaatada Ciidamadaasi ay u geysteen Rayidka.
0 comments:
Post a Comment