Naadiga PSG ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay Macalinkii baneeyay shaqda kooxda Sevilla ee Unai Emery kaas oo 3-sano oo xiriir ah kula guleystay koobka Europe League.
Unai Emery ayaa qalinka u dul dhigay naadiga reer France heshiis 2 sano ah isagoo ku darsan kara waqti dheero ah hadii uu u baahdo sida ay shaacisya naadiga reer France ee Paris Saint -Germain.
44-jirkaan ee u dhashay dalka Spain ayaa xilka macalinimo ka badalay Laurent Blanc oo isniintii ka dhaqaaqay kooxda France ee PSG,ka dib markii uu ku guul dareystay in uu naadiga u qaado koobka Xiisha badan ee horyaalda Yurub (Uefa Champians League).
“Unai Emery tani Waxay iitahay farxad wayn inaan ogolaado shaqada macalinimo ee PSG” ayuu u sheegay warbaahinta.
“PSG wax ay ka mid tahay Kooxaha ugu hanka weyn qaarada yurub sanidihii la soo dhaafay waxa ay bandhig ciyaareed wanaagsan ka sameysay koobka horyaalda Yurub.
Si kastaba maal qabeynka naadiga Paris Saint Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa si weyn u soo dhaweeyay isgana macalinka cusub ee naadiga Unai Emery.
0 comments:
Post a Comment